Noo soo dir wixii aqbaar oo haad haysid

                  Home   Music   Diinta   Chat   News   Sport   Sheeko   Tacsi    Sawirada               

                                2006 Hiiraancenter  News

        

Waa sheeko Gaaban oo uu noo soo diyaariyey c/raxman zaylaci sheikh ee ka bogo


                            (Hiiraancenter online News).
 

SHEEKO GAABAN

WADADII ADARI !     

1 Riix:  2 Riix: 3 Riix: 4 Riix 5 Riix
 

c/raxman zaylaci sheikh 

kalinimadu xumaa, araxan la,aantu daranaa,ufo dabeelo wadata mahiigaan, miiraale iyo gudgude habeen miyaan kali noqday, reer dagan oo oday taliya, haween iyo caruur leh ayaan aheyn, nugul dhaqda dalag beerta, bariido iyo salaam ku caweeya, kaaha aroortii dhawaaqa diiga subaxii  adinka iyo digriga culumadu astaan reerka lagu yaqaano ayuu ahaa, mashxarad dumar, orgi dinaahiya tusaale barwaaqo oo lagu naaloodo ayuu ahaa, cadceedu muusood ayey ku soo toosi jirtay gacan haadin ayey nagu nabadgaliyeen jirtay,reeraha nagu xeyndaaban nooma fiicneen, colaad xasad iyo karaahiyo ayey noo hayeen, horey isku dayey in ay fal noo dhigaan, dabiibkii culumadaan ku shaafiyey,marbay dabeyluhu ka soo dhabtaan meel aan loo heelaneyn doomahana mowjadaha dulgeeyaan, marbay sacabadu ka caajisaan sacabka indhuhuna ilmada, marbay dhadadu hareer martaa manka iyo ubaxa milicda cadceeduna gubtaa, ishii na cayuuntay ayaa midba meel naga tuurtay, oday dhaqameed hankii jab, haween kuli good asay ayaa loo saaray, wiilkii dhashaa mid ayaa dooxa qabrigana galiya, ree dumow yaa ku leh, minii la yaabo yaasiinka,gayigu dhamaan mid gurguurata mid baadad leh mid xamaalata ah nooma kala harin, cidhibta ayey najareen,duleedkii reerka ayaan soo wareegay, dad kama helin, digadii duunyada ayaan deymooday nugul isheydu ma qaban, gagadii ciyaarata ayaan u luuday dabeylo ayaa igaga kacay, waabkii ayeyday ayaan hadhso maagay dhirtii ayaa sawaxantay cabsi ayaan la huleelay, mowlacii culumada ayaan maciinsaday alle ku baryey, dhagaha ayaa tabayey digrigii sheekha iyo subciskii macalimka, jaarkayagu waa tuu sugayey waa tuu in badan farta la qaniinay, maa caleysh al-duniyaa allwaan, waan soo baxay wadadii ADARI soo qaaday anoo gucleenaya, jidka adari xumaa qalbi adkaa, beer naxa male miyaa, qoraxdii dhacday, reer aan ku laabtana malaha, halkan halkan aan hoganaya waa wadadii adari..ee aan dhawaaqa diiga wada sugno..........kaaha subaxa dhowrno......dhadada dhibicdeedana sacabada u dhigano.. dharabtuba marbay xareed dhashaaye.............

c/raxman zaylaci sheikh 



 

 

  Hiiraancenter


   
.

2006 Info@hiiraancenter.com