SHEEKO GAABAN
7 NINLEEY
c/raxman
zaylaci

DEEQA dadka
kama duwana qurux lagu haybsado qiimo iyo qaayo
lagu dheehdo ebbaahibo usiiyey calaf rageed
nasiib ayey u leedahay calmasho daa,imin iyo
qoys burburayna astaan ayey u tahay da,deedu ma
badana,raga ay jamatay dhaayahooda listayna ma
yara, hanadkii ay heybsato isagoo u haraad qaba
hamuunkuna culayo ayey ableydu dishaa dusheedana
la waraa dhiigiisana ku indha kuulataa, tuke
baal cad ayey leedahay raguna ku heybsadaa inta
ayna god ku hubsan kii hore ayuu ragu ku
baratamaa kuna loolamaa calmashadeeda, dumar hal
doora maaha heybad kale ma dheera hanaan
wanaagsan iyo himilo raga dhufaantay
mooyaane,kii u horeeyey ee dahaarka ka qaaday
xuubkana jeexay ajashiisa oo dhamaan ayuu
dusheeda ka booday gonina uga istaagay, mid
gucleenaya gar iyo garasho hareer martay ayaa
habeen madow cidla ka helay aduun waa hadh
wareega isagoo dul baraaqsan dhuuxeeda jaqaaya
ayaa ablay lagu dooxay dusheedana la waray
dhiigiisiina ay dhantay,kii ka dishay kuma
raagin mana kala raagin, kal kaan rag way
aragtay laakiin ubad iyo dhalaan ay maama tiraa
wali lama tusin, kii ay mid fayow moodaba
dheeheedu cushaa dhaydeeduu lisaa dhamacdeeddu
dugsadaa dhaxantana gabaad uga dhigtaa. midba
mid ka darane ragbaa isku heysta kalana
jiidanaya tabar iyo tab ay ku kala maareyso way
gabtay, kii ay dhankiisa jaleecdu dhabarkuu
jaraa adhaxduu ka dilaa, mid mid dhaama malaha,
mid abley wata mid mariid wata mid xadiid
tumanaya dhamaan xageeda ayey gocoshadu u heysaa
garab iyo maciin malaha maddi ayey aheyd
aabaheed iyo hooyadeed kalideed ayey
dhaleen,markuu gudcur madoobaadka ay tahay
cirkuna godlado mahiigaana soo kaco biriqda
hilaaca iyo doobta onkodka ayey waheshataa dad
iyo dugaagna uga fiican, waa yaabka yaabkiisa
waa aduun aakhir samaan ,jamashadeeda ayuu rag
seefaha u lisanayaa ciradeedu xishood ma galin
,kalinimadeeduna dareen kuma reebin, diifta
waayahuna ma damqin nin meel ujeedaa meel kale
ka dheer, mid xeer wata mid shareeca wata ayey
dhexdooda taalaa mid dheehan iyo mid u dhiman
allaa garan, taa waxaa ka sii daran carashada
iyo dhibi dhisadka ooda reerka ka baxsan,
micilisashada ayna afkooda garaneen ayaa uur ku
taale ku ah, hadii ay geenyo orad iyo lagdin
yaqaan aheyd maanta dhulkey u dhacday dheehiina
kama dhicin oraahda kaliya ee laga hayaa waxaa
ay aheyd ( iidaaya culumada ii daaya shareecada
..rag soo arkay todobana ka soo arkay ee bal
iidaaya wadaada)..
Qore
c/raxman zaylaci sheikh....