Home   Music   Diinta   Chat   News   Sport   Sheeko   Tacsi    Sawirada               

                                2006 Hiiraancenter  News

        

 

   

                                   Hiiraancenter online News

SHEEKO GAABAN

AL-CAABIRUUN

c/raxman zaylaci sheekh

habeen madow roobab iyo dabeylo wata, gudcur guuraya iyo gugac mahiigaan nin wehel ka dhigtaan ahay, god halaq galeena xuub caaro lagu hagoogay nin hooy ka dhigtaan ahey, geerida daris wadaag ayaan nahay, guuraha iyo gudcur daba marka astaan iyo dhaxal wadaag ayaan u leeyahay, ciil gaamuray cadho gaagaxday carasho qaan gaara nin hooyo ku dhashaan ahey, ma abaal gude waan aar gutaa!!! sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay axmed jaamac oo xili habeenka iyo dharaartu is weydaaranayeen usii huleelayey meel alle garan kana fogeen bilaad waaq waaq.

Axmed jaamac reerka uguma weyna waa laga weynyahay yaraanimo ayuu magaalada ku soo galay barshada diintana ka bilaabay masaajida, xiriir wacan lama laheyn reerkood saaxiibo la socod ma aheyn gooni socod goor walba wax tabaya ayuu ahaa, kuma ekaan barashada masaajida waxaa uu galay dugsiyada sare, hooyadii xakiimo kama wel welin dareen badana masiin maqnaashihiisa, naxdin waxaa ugu danbeysay habeenkii jaamac xirsi oo meyda geeliina laga dhacay aqalka loo keenay agoon koriso naxadin iyo wel wel ka guuray ayey aheyd...

Axmed waxaa uu si gaaara ugu xirtay wiilal ay fikir wadaag noqdeen waxaa sii kobcay dareenkisii iyo aqoontii diinta waxaa uu bilaaabay sii kordhiska barshada diinta iyo lasocoshada hardanka dunida iyo xasuuqyada lagu hayo muslimiinta waxaa cuqdad ku ahaa dilkii aabihii, taasi waxaa u dheer kani adeyga waxii uu goosto laga fujin karin, axmed waxaa uu furtay dugsi qur,aan waxaa uu ahaa qaari ku luqeyntiisa shinbiruhu baadadka joojiyaan xuudka badahuna heehaabo mowjadaha, waxaa uu calaf ku helay umu sucaad oo ka mid aheyd ardeydii ka aflaxday.

Waxaa ebbe ugu deeqay wiil iyo gabar waxaana naaneys looga dhigay  abuu sucaad, waana darajo dadaal u baahan sida uu qabo axmed jaamac, hooyo xakiimo waa da,a hada, waxaa cumrigeedii rigaaxay orodkii iyo halgankii nolosha ee ay ku soo korisay agoontii inma jaamac xirsi, reerku dhamaan waxaa ay soo dageen magaalada waxaa wiil lagu hiirto u noqday axmed oo markii uu yaraa xisaabta xakiimo ugu jirin, hardanka nolosha ka sokow waxaa uu axmed intaa garab wadaa dadaaladiisa kale, dalku maaha  mid dagan maaha mid wada qaadaya  rabitaanka axmed iyo midka ka jira dalka.

waxaa ku dhacay isaga iyo saaxiibadii calool yaw waxaa saaqay gocosho, nin cirku ku soo dumay dhulku la ciiray dayuxuu beegsadaa, habeen madow ayey axmed iyo jaalayaashii ka huleeleen magaalada, hooyo lama sii sabootin, owri laqabeyna dardaaran loogama tagin, gabalkii dhacay ayaa la beegsaday, godkii cadceedu galeysaa loogasii hormarey, mudana cadceedu banaan joog aheyd, iyadoo leh godkeygii waxaa galay.

AL- CAABIRUUN, socodkoodu waa xarig, seexadkoodu waa dul geed, jilkoodu waa goodir, kabashadoodu waa maluudka geedaha,qaaru xiraa ayey xasuusteen ayaamo tagay ayey xasuusteen, gocoshododo badanaa, xakiimo daahir ayaa walaac badan ka dib beegsatay sariiteedii iyadoo leh, ( axmed hooyo waxaa lagugu heystaa soo kaa maaha(qur,aan) soo kan maaha habeenkaa ku dhalaan gartey inaan wiil dhalay,marbey dacartu macaan tahay malabkuna qaraar dhalaa, habeen tagay  maalin dhal maalin timidna habeen dhashay..waa dharaare kale iyo al- caabiruun.)

c/raxman zaylaci sheikh.
 


 

Ibarhim Sweden Hiiraancenter


   
.

2006 Info@hiiraancenter.com