Waxaad ku soo dhowaataan Gabay ka hadlaya xaaladda
Somaliya waxaa noogu deeqay inj.Somaliyeed oo ay danqiso
Xabashida maanta ku sugan ciiddeena ayadoo aad ogtihiin
in ciil uqabeen in ay imaadaan taa oo uu ka hor
taagnaayeen allaha u naxariistee Maxamed Siyaad iyo
Caydiid.
Xisaab qoran : Gabay Baroordiiq Iyo Xisaabtan ah
Nin Soomaaliyeed oo yaabban ayaa laga hayaa “Warkii hore
war soo dhaafyoo waayeel qolof lahaa yimideey !!” Wallee
maanta warkii hore war soo dhaaf. Xitaa xoolihii waa
argagixiso, waana in la dabarjaro oo diyaarado lagu
duqeeyo, walibana loo adeegsado hub casri ah oo aan
waxba hambeyneynin, AC -130 !!!
Waxaa maanta cadaatay in Gaashaanbuur aan arxan laheyni
ay ku soo duushay shacabkii Soomaaliyeed, lagana soo
weeraray cirka, dhulka iyo baddaba. Waxaa maanta nalagu
duqeynayaa hubka ugu casrisan caalamka ee wax gumaada,
kasoo lagaba yaabo in qaarkiis uu adeegsigiisu adduunka
mamnuuc ka yahay. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay
kaliya, waxaa lagu xasuuqay degaanno ka mid ah J/Hoose
dad boqollaal gaaraya, dhaawaca iyo burburka hantiyeedna
Alle-Weyne ayaa loo sheegtaa. Waxaan nahay looma
ooyeyaal !! Caalamka laba Cali oo waxa na haysta iska
wareysanayaa ma jiraan, waase gar. Sababtoo ah,
Soomaalidii ayaaba ka daman dareenka jira iyo
dabargoynta lagu hayo. Waxaa taas ka sii daran in ay
jiraan qaar ku faraxsan oo u mashxaradaya xasuuqa socda,
una hambalyeynaya oo u mudaaharaadaya cadowyadii
falalkaas argagaxa leh geystay.
Ma aha markii ugu horreysay taariikhda ee dad dhulkooda
loo quuri waayay la isku dayo in la dabarjaro, ka dibna
dalkooda la dego. Arrinkaasi wuxuu dhacay marar badan,
wuxuuna ka dhacay dhammaan qaaradaha adduunka. Waxaa
kale oo aan iyaduna cusbeyn dagaal diimeed oo dunida ka
dhaca. Waxaa markaa la dhihi karaa duullaanka qaawan ee
Gaashaanbuurta ay horkacayaan Mareykanka iyo Itoobiya
waa dullaan maangal ah, dulmiba ha ahaadee!! Arrinkase
la yaabka iyo amakaagga lihi waa in dad mas’uuliyiin
Soomaaliyeed sheeganayaa ay eheladoodii ku soo
hoggaamiyaan cadow ma naxe ah si loo xasuuqo! Kuwa
kalena ay u mashxaradaan !
Gabaygaan Baroordiiqda ah ee Xisaab Qoran oo soo
baxay 11/06/2007da, wuxuu ka curtay xasuuqa lagu hayo
shacbiga Soomaliyeed, gaar ahaan kuwa lagu dabarjarayo
degmooyinka ka tirsan Jubbada Hoose, wuxuuna soo baxay
11kii Jannaayo 2007da. Gabaygu, Wuxuu musiibada dhacday
eeddeeda dusha ka saarayaa dadka Soomaaliyeed oo
cudurka qabyaaladdu aafeeyay, asaagoodna ka reebay.
“Laxiba shillalkey is dhigto ayaa lagu gowracaa” ayayna
Soomaaliyi horay ugu maahmaahday. Waa hubaal in
farsamaxumidii difaac iyo isdhexyaacii maamulkii
maxkamaduhu uu door muhiim ah ku lahaa musiibada
dhacday, wax badan oo wanaag kale ahba ha qabteene. Waa
hubaal in ay bannaanaatay kaalintii indheergradka iyo
aqoonyahannada Soomaaliyeed oo ay u muuqato in ay
sahladeen khatarta halista ah ee ku xeeran dadka iyo
dalka Soomaaliyeed. Waxayse dhabtu tahay, in aafada ku
dhacday maanta umaddeennii ay mas’uuliyaddeeda ugu culus
qaadanayaan kooxahaan sida aan gabashada laheyn dadkii
iyo dalkiiba u geliyay gacan gumeysi, waxayna kala
yihiin:
-
Daagaal-oogeyaasha kala ah G/Sare C/laahi Yuusuf
Axmed iyo Dr. Cali Maxamed Geeddi oo sheegta
Madaxweyaha iyo Ra’iiuslwasaaraha Soomaaliya,
kuwaasoo dalka u soo horkacay ciidamo calooshooda u
shaqeysteyaal ah oo dadka u geystay dambiyo gumaad
ah, diintiina ku tuntay .
-
Koox
lagu sheego Xildhibaanno, oo iyagoo u xilanaya dufan
aan badneyn, si toos ah iyo si dadbanba u ogolaaday
in dalka uu shisheeye cadow ahi maamulo, siduu
doonana ka yeelo. Waxay Qarannimadeennii qaaliga
aheyd dhaafsadeen qado iyo qaad.
-
Koox
Dulmi-taageerayaal ah, oo labadaan kooxood ee hore
ku taageerta dulmiga iyo tacaddiga ay ku hayaan
umaddooda, waxayna isugu jiraan kuwo dulmiga u
taageeraya qabyaalad. Kuwo u taageeraya xildoon.
Kuwo u taageeraya hunguri. Kuwo u taageeraya
xaasidnimo iyo xiqdi iyo kuwo ujeeddooyin kale u
taageera.
Kooxahaan ku eedeysan khiyaamada Qaran ayuu ka hadlayaa
gabayga Xisaab Qoran, waana kan gabaygii ee akhris
wanaagsan:.
Adduunyadan aan xasileyninee samada xiimeysa
Adduunyadan xalaashii yartahoy badatay xaaraantu
Adduunyadan xishood ceeb yahoo lagu xikaayeysto
Adduunyadan xumaantii gar tahay oo xaq lagu diimo
Aduunyadan
ninkii Xaramka taga kuba xujoobaayo
Adduunyadan midkii reerka xada loo xadreynaayo
Adduunyadan xannaannaduba tahay xaalufkiyo boobka
Adduunyadan xadiidkii bir uu jebiyo xaabshaanku
Adduunyadan nin xuutaan ahaa xoog ku faanaayo
Adduunyadan Xabley iyo Injiri Xamar ka tookheyso
Inkastoo
xurgufo hoose iyo xadgudbkeen keenay
Mar haddii
Quraan iyo Xadiis xukuntan loo diiday
Dullinimo
intaan kuwo xagjira u xiri leyn taajka
In xabaal la
aadaa ka roon ku dhex xashaashkeede !!
Waa laga
xanaaqaa gunnimoo wey xaraartahaye
Sida Gureygii
xaqiraad nacee rabay xuquuqdiisa
Sayidkii
xawaareynayee Xiinfaniin laliyay
Bashiirkii
xanuunjiyay Smith ee xisaar geliyay
Xasankii
Barsane joogayee xabsiga loo jiitay
Xalanihii
xadgudub diidayee Xayle(1)
samirsiiyay
Xarbigii
Jabuutiyo wixii geesiyo xijaabtay
Iyo wixii
xiddigo nuuri jiray xawda laga gooyay
Gobonnimo
inaan xajisannaa noo xarrago roone
Mar
haddiiba xaafaddii Muqdisho uu Tigree xulayo
Intii aan
xarriir u gogli leyn xabashi soo duushay
Waa inaan
Jihaad xaadirnaa lana xanjeertaaye
Waa inaan
xag walba ka jilcinnoy xananka jiirane
Waa inaan
xaluulasho galnaa xaskey ku dhuuntaane
Jidadkooda
waa inaan xirnoy ku xabbisnaade
Xasharaadka waa inaan gubnaa xarunta tooda ahe
Waa inuu
xanuunku ku batoy xummad hunqaacaane
Waa inaan
xorownoy mar kale xowli cararaane
Xadka waa
inaan dhaafinnoon xaaqno gabigoode!!
(
Insha-Allaa).
Xuunshada
sideedii qof cuna xaabka soo uraya
Xayawaanno
duni waa jiraan xoor wax dheeryahaye
Kan xaraarad
hooggeen u qaba xasarad sii socota
Ee xaseyso
weli maal lahow xaasid baad tahaye
Xaakada
bukaannada ildaran xiito waayeel ah
Xaamilada
ilmeyneysa ee uu kufrigu xaydxeyday
Xaafidul-Quraannada gubtee xaabo laga yeelay
Ubad
xabadka laga toogtay iyo xiidmahaa daadsan
Xinjiraha
qulqulayaba haddaad xilal ku dooneyso
Yey kaa
xargagin ee intaad xaabsatoo kariso
Meydkooda
xago oo ka dhereg xaalku kaa murugye !!
Xaqirnaan
ammaan loo qabiyo xiqdi qof maangaab ah
Kuwey ceeb ku
xoontaa jiroo xiiray sharaftiiye
Odaygaa
xakaaraaya ee cidlo ku xuurtooday
Oo cadow inuu
noo xirxiro noqotay xeeshiisu
Iyo gacal
xasuuqaha kibraye afku xumbeynaayo
Oo xaashee
xooluhuu daweyn ay xis dhaamaanba
Xujadeysan
furiddeeda Karin xeebta gadiddeeda
In ujeedku
xilahooda yahay xume in loo geysto
Xaqiiqdii
waxay moogyihiin xarfadda khayrkoode
Haddey xikmad
in uun leeyihiin xodxod ma yeeleene
Xornimadeennii qaaliga ahayd xanjo ma siisteene
Xiisuu
Tadhase noo qabaa xubbi ma sheegeene
Xulufadey
dhulkii soo gasheen waxay xasuuqeyso
Iyo ilmahey
xabbadeynayaan waa xisaab qorane
Mar buu
Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xarbigii
dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xeeladna
Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq- u-
dirirka guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!
Kuwaa
maanka laga soo xadeye xeradii Doofaarey
Xiisado
damiirlaana iyo xaqdarro loo meershay
Nacabkuna uu
noo soo xulee xaajadiis fuliya
Xubno rooni
inkastoy jiraan xabbado kow labo ah
Xildhibbaano
kii moodayow waa xis li’ idaaye
Haddey
xeerinayaan dadnimo nama xaraasheene
Xaajiyaal ma
dhoofsheen intey culimo xaabshaane
Xuseenkii
xuduudaha inkirey ma xarrakoodeene
Waa kuwo
xusuustood yartoo xaaran gabigoode
Waa kuwo
xafiis aan lahayn laga xog qaataaye
Waa kuwo is
ximin iyo u nool iney xil gaadaane
Waa kuwuu
jahligu badi xayiray oon xayi aheyne
Waa kuwa
xabkeystoon ka nixin xaal siduu yahaye !!
Waa kuwo la
xuuxuuxiyoo xaax la leeyahaye
Waa kuwo u
xaadiri yaqaan gunno xariifeede
Waa kuwo
xayaatada u jecel xamasho jaalkoode
Xoogaa yar
meeshey ka heli wow xaluushaane
Shacabkoo
xayeysiya ayay xayr la jabayaane
Xalustey
salaaxaan markaan xagal ka daacnaaye
Xididkoodu
waa kuwuu bukoo ka xoqan iimaane
Mar
haddeysan lafaheenna xagan waa xamdi Ilaahe
Waxba
yaysan xamxameyninoo u shirin xaynxeyne
Waxba
yaysan xasillooni iyo nabadna xaaleyne
xulufadey
dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda
Iyo
ilmahey xabbadeynayaan waa xisaab qorane
Mar buu
Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xarbigii
dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xeeladna
Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq-u-dirirka
guushiisa iyo xilliga aan dhowrno !!
Deriskoo
xaqdhowr badan leh iyo xaafadaha jaarka
Xidid iyo
haddii gacal u jiray la is xigaaleysto
Soomaali
xeerkeedii iyo dhaqan xushmeyntiisii
Waxa jira dir
soo xoorayoon xaajo ka lahayne
Kuwa nacabka
soo xamaalayee sida ximaarkiis ah
Oo xaqiran
xaqna aan lahayn iskana xayraansan
Beentuna
xadaaradba u tahay xigasho huuhaa ah
Kuwo iney
dhashoodii xasdaan u xusul duubaaya
Oo xijaabka
dumarkii dhig loo xerada gaal aada
Kuwo fikirku
xaflad qado ah iyo xeeradaba dhaafin
Oo
xaanshiyaha lacag u qaboo baryo xabeebsanaya
Xalku kuwuu u
daranyahay xareed lagu harraadbeelo
Taageerayaal
xiiqsan iyo Xaarwalwaal badane
Kuwii
xaawaleydii qataloo xalwadahow dhiibay
xulufadey
dhulkii soo gasheen iyo xasuuqeeda
Iyo ilmahey
xabbadeynayaan waa xisaab qorane
Mar buu
Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xarbigii
dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xeeladna
Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq-u-dirirka
guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!
Mar buu
Xaakim aan eex aqoon xukun ridaayaaye
Xaq-u-dirirka
guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!
Xarbigii
dhamaa kii qabow xaalku waa waliye
Xaq-u-dirirka
guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!
Xeeladna
Ilaah baa iska leh xoog la mahadshaaye
Xaq-u-dirirka
guushiisa iyo xilliga aan dhowrno!!
---------------------------------------------------------------------
Dhamaad
Taariikh:
11/06/2007
Inj.
Maxamed Cali Cibaa
Mohamed_ebar@hotmail.com
Hiiraancenter2006@hotmail.com