Jan.03.2007(Hiiraancenter online News)
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Haddii Muqdisho loo dhacay
Miyaan weli dhug li' idiyo
dhadhan raadiskii iyo
dhoohnaanta yaabka leh
dhubuq-dhubuqdii laga korin?"
*Ciidamadii cadowga Tigreega ayaa si
buuxda gacanta ugu dhigay gobollada koofurta iyo
bartamaha Soomaaliya oo ay ku jirto caasimaddii
Muqdisho. Waxaa ciidamada horkacaya niman sheeganaya
Madaxweynihii iyo Ra’iisulwasaarihii Soomaaliya oo marba
meel loogu duulinayo diraadaha qumaatiga u kaca ee
ciidamada Tigreega.
* Waxaa billowday gumaad naxariisdarro
ah oo lagula kacayo cid kasta oo ka soo horjeedda
joogitaanka Tigreega. Culimadii diinta ayaana si gaar ah
loo ugaarsanayaa !! Waxaa la soo celiyay qabqableyaashii
ashahaado la dirirka oo badankoodu ku labisanyihiin
direyska ciidamada Tigreega !!
* Bulshadii caalamka ee la sheegsheegi
jiray cid Tigreega ku taageerta tacaddiyadooda ma ahee,
lama hayo cid ka soo horjeesata oo tillaabo cad ka
qaadda, waxaana lagu tilmaamay duullaanka mid sharci ah
oo difaac ah !!
Haddaba miyuusan shacabka
Soomaaliyeed weli ka korin ruwaayad iyo dhalanteedkii?
Goorma ayaan kala baraneynaa dowlad Soomaaliyeed iyo
dabadhilif Tigree oo taangi cadow uu hoy u yahay?
Aan mar kale soo bandhigo maansadii
Dhalanteed oo soo baxday bishii Maarso sanadkii
2004-tii, xilligaas oo uu cadawgeennu ku mashquulsanaa
maleegidda dabinka halista ah ee maanta ay ummaddeennu
dalaq tiri.
Waa tan mar kale maansadii dhalanteed oo
soo baxday waqti ku dhawaad saddex sanadood laga joogo,
intii aan Kiinya lagu soo dhoodhoobin kooxda loo abuuray
in ay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba khiyaameeyaan
shisheeyana ku dan gaaro ee fadlan
dhuux oo dhug u yeelo.
Maansadan la magac-baxday Dhalanteed
waxay curatay bishii Maarso sannadka 2004-ta,
xilligaas oo shirka illaa maanta ka socda Kiinya uu ku
sugnaa marxalad jihawareer, ammakaag iyo quus ahayd.
Waddammadii abaabulay shirka - Kiinya iyo Itoobiya -
oo ahaa kuwo aan isku haysanno dad, dal iyo diin
intaba, ayaa xishood-darri si gabbasho la'aan ah
adduunka ugu sheegay in aysan raalli ka ahayn, in
Soomaalidu ka badbaaddo badweynta musiibo ee ay maanta
ku hafanayso. Arrinkan waxaa marqaati cad u ah
hadalladii madaxweynihii hore ee Kiinya Daniel Arab
Moi, qoraalkii digashada ahaa ee lagu daabacay bogga
internetka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya
iyo qoraallo iyo hadallo kale oo laga hayo
mas'uuliyiin iyo aqoonyahanno u dhashay labadaa
waddan. Waa yaabe haddiiba aan raalli laga ahayn in ay
Soomaalidu heshiiso, noqoto qaran jira, oo ay yeelato
dowlad tayo leh, maxaa loo abaabulay shirka uu maalka
iyo muruqa faraha badani ku baxay?!!!
Fadhiidnimadii shirka, faduushii iyo faragelintii
qaawanayd ee dowladihii martida loo ahaa, waxaa ka sii
yaab badnaaday akhbaarihii yaqyaqsiga lahaa ee ka soo
fatahayay goleyaashii ay dadka aan badankoodu
miyir-qabka ahayni ku googaalaysanayeen. "Haddaan
quraacdeenna meel la saarin maanta shir ma galayno!!".
"Meesha cunoow iyo cayil ayaa loo joogaa !!" i.w.m.
ayay isugu soo ururtay xigmaddii qabqableyaashii
halkaas ku xoonsanaa, iyadoo kuwoodii ugu tunka
roonaana uu kaftankoodiiba kabo-kabsi iyo kursi kala
riixasho ka dhammaan waayay.
Waxaa xilligaa muuqday Shacab dulman oo aan
dareensanayn waxa u danta ah iyo waxa u daran. Shacab
aan cidi u maqanayn ceelna u qodnayn oo quus magan u
ah. Shacab looma ooye ah!, oo haddii ay badda ku
le'daan, haddii uu dugaag saxaraha ku diirto, haddii
kun la laayo, kunna la kufsado, kummannaan kalena ayba
gaaloobaan, aysan cidina u kurboonayn.
Maansadan Dhalanteed, waxay ka curatay
muuqaalkaas madoow, oo ay muuqatay haddii uusan Alle
ummadda Soomaaliyeed u soo dirin Duul damiir wanaagsan
oo doc kaleeto wax u duwa, in xaalku uu markaa ka sii
dari doono, halistuna sii durugsanaan doonto, Alle
ayaan badbaado ka rajaynaynaaye.
Dulucda Maansada
Dulucda maansada Dhalanteed waa: in ay doqonnimo tahay
in aan badbaado ka filanno cadowgeenna iyo
Dagaal-oogeyaal dulmi-ku-naaxyo ah. Maansadu waxay
shacabka Soomaaliyeed ee dulman uga digaysaa in ay
mustaqbalkooda ku aamminaan gacan-ku-dhiigleyaal!
Nacab-u-adeegyo ah. Waxay ku baaqaysaa in uu shacabku
tooso, shaqsi kastaana uu dareemo waajibka ka saaran
dhowrashada karaamaddiisa, tan ehelkiisa iyo tan
ummaddiisaba. Waxaa muhiim ah in lagu dadaalo culaysna
la saaro mustaqbalka sidii looga xoroobi lahaa
Af-miishaarrada loo af-duubanyahay, oo haddii aanan
laga tashan ummadda u horseedi doona halaag adduun iyo
mid aakhiraba.
Dhalanteed
W.T: Inj. Maxamed C. Cibaar
( Maarso, 2004)
Basaas dheelmanaayoo
Dhaqtar sheegta keen iyo
Dhoombaca kormariyoo
Dhoodhoob mid liitoo
Dhiirrane dubbee iyo
Waligaa ha rajo dhigin
Hana dhismin qorshaa iyo
Howl dhicisa mooyee
Gaal sadaqo dhiiboon
Dano dhaafsaneynoon
Miinooyin dhiginoon
Reebayn dhal baasoon
Dhabqineynin khayrkoon
Dhaliilayn quraankoo
Axaaddiis dhigaayoo
Dhowraaya Sunnihii
lana dhacay ma maqasheen?!
Dhurwaagii dugaaggoo
Dhar xariira qaatoo
Aamminnimo dhammeeyoo
Loo dhiibtay xooloo
Dhabey iyo mareer iyo
Dhaameelkii quraciyo
Dhafaruurti mirihiyo
Ubax dharab leh iyo cows
Maashaa - Allee dharag
Dhex mushaaxshay daaqoo
Gabbalkii markuu dhacay
Dhifsashada cad dhiigliyo
Dhaqankiis illooboo
Asoon neefna dhaawicin
Dhabbihii ku duwayoo
Intuu dhoobay xeradii
Dhiilihina soo culay
Dhaydii ku maaloo
Dadkii dhinac ka marayoo
Dhama yiri ma maqasheen.?!
Dheri ruux dab saartoo
Dhoobiyo ku guray ciid
Oo dhiinka xodaygiyo
Dheecaanka boociyo
Dhirta kuwow qaraar badan
Ku suugeeyay dhuunkaal
Misna dhaylo hilib iyo
Cunto dhadhan macaan iyo
Dhuuniga ka quutoo
Dhergay yiri ma ma qasheen?!
Qaraabasho dharaar iyo
Dhuudhuutintii iyo
Dhiitin tuug ka korayoo
Saqda dhexe habeenkii
Intuu reer u soo dhacay
Dhaxalkii awoowgood
Waxay dheeman iyo luul
Qarniyaal dhigaayeen
Dhabta iigu gura yiri
Oon saa ku dhaafine
Dumarkii u dhuuntoo
Dhiilliyo xumaan falay
Oo gacalkii dhiidhiyay
Abley dhuunta darayoo
Asoo gacan-ku-dhiigle ah
Aan haddana dheeraan
Ee meel dhexdoodaa
Dhigtay gogol firaash loo
Yiri dhaawacoodaan
Dhayayaa ma maqasheen?!
Dheelmashadi subixii
Dhug markii la soo yiri
Deriskii dhawaa iyo
Soo dhoobte eheloo
Dhagaysteen wixii dhacay
Ku dheeraade xaalkii
Dhimashaanu ka xignaa
Dhaar iyo la maray wacad
Ciidan laysku soo dhuray
Laysku dhafay rag iyo dumar
Asaan wali dhaqaaq jirin
Isagooy Dhul-ololshiyo
Dhuxul-liqiyo Haammaan
Dhimmane iyo Mashiidiyo
Dhoowdhalaq Ma-naxe iyo
Dhangax iyo Ma-quustiyo
Ina-dhaliyo Shaamshaam
Iyo Jaahil-dhirifsane
Kooxdii Dhallaan-duba
Oo dhaarsan gebigood
Hubkoodiina u dhanyahay
Ay dhinacyo joogaan
Bahalkii dhawaaqee
"Dhibish-dhibishtu waa maxay ?
Yaa annaga nagu dhaca?
Oo wax iska dhicin kara?"
Dhiirrida ku faanee
Dadkii wada dhugteenooy
Dhaygageen ma maqasheen?!
Markuu xaalki dhii tagay
Dhakafaar hor lihi yimid
Arrinkina dhanaanyoo
Qaar dhegaha taageen
Qaar dhidide fulaynimo
Qaar hoos ka dhuunteen
Qaar dhimirki doorsomay
Qaarna dhaanto iyo hees
Dhakac-dhakac kabeebeey
Xaflad baan dhigeynee
Madaxdii dhulkeennaay
Soo dhowaada leeyiin
Dhacdadaanu filaneyn
Tuuggii dhaliilee
Dheeshii saluugee
Dhuuxay garashadiisee
Dhiiggii u diiree
Dhowri waayay silicee
Dhimriyoo xishoodoo
Intuu soo dhaqaaqoo
Kursigii u dheeraa
Dhacadiid ku soo yiri
Dacwaddii dhageystoo
Dhidbay xeer la mahadshoo
Dhowr marqaati keenoo
Wixii boolli uu dhacay
Soo dhoobay miiskoo
Xukunkii dhammeeyoo
Yiri dhagaxa igu dila
Aan dhintee ma maqasheen?!.
Dhegxumada na haysiyo
Halku xaal u dhaadhacay
Dhagaysiga akhbaartiyo
Maxaa maanta dheeriya?
Dhambacaad u jiif iyo
Dheel dheel ka gudubtaye
Dhabta hadalku waxay tahay:
Nimankaa dhibkeenniyo
Dabinno u dhiggeeniyo
Indheergarad dhub sii iyo
Caalin cadow u dhiib iyo
Dhaca lagu masruufee
Dhuunta shay la mariyiyo
Shilimaad na dhaafsaday.
Nimankaan dhargaynee
Dhuuga geela cuna iyo
Dhiqle gala sariirtiyo
Dhuudhigii tarmaayiyo
Gafanaha wax dhuuqiyo
Cayayaan dhamiijo ah
Dhilmaanyada sideedii
Dhiigga naga jaqaayee
Dhacaankeenna ku cayila.
Nimankaa dhigaalkiyo
Bangiyadii dhunjiyayee
Wali dhurasho raba oo
Dhegdheg iyo xishood li'i
Dhallaankiyo agoomaha
Waayeel dhacdhacayiyo
Kuwu dhabarku godanyahay
Maatidii dhacaayee
Dhiilaha carruurtiyo
Dhalooyinka bukaankiyo
Ummulaha dharkoodiyo
Dhururuqa koleey tahay
Aan shayna dhaafayn
Naxariisna dhinac maray.
Nimankaa dhugtii iyo
Damiirkoodi dhumiyee
Dhiggood uu gumeystee
Markuu dhabanka gooyee
Qeyrkood dhirbaaxee
Dhenged uu la helo kulul
Dhoolaha caddeeyee
Dhikhdhikhleeya qosolkee
Anaan dheelineynine
Dhabarkeeyga raro iyo
Dhaaminta ku faanoo
Dameeraha la dhaqanka ah.
Nimankaa Dhashiikiyo
Bii-em dhuumihiisiyo
Hub wax kala dhanbala iyo
Madaafiic dhawlaysiyo
Birta holac dhalaalshiyo
Dhamac sii qaxaysiyo
Duufaan dhir-qaadiyo
Hanfi iyo dabeyl dhici
Dhul intuu ku xaalufo
Daba-dheer abaarta ah.
Nimankaa dhul nacab iyo
Darbi baas dhakooloo
Maleegaaya dhagartoo
Nabsigii dhab yiriyoo
Ciiddu la dhaqaaqdoo
Ooryihii u dhaxay iyo
Dhashoodii ka didayoo
Dhuumasho harkoodii
Uga jira dhufaysyoo
Ka dhakada wax aan jirin.
Nimankaa dhareerkiyo
Dhusuq uu ka da'ayee
Cirbadahii dhab lagu yiri
Iyo casharki loo dhigay
Dhaandhaan la hagayiyo
Ma dhergaan ka yeeleen
Oo inaanan nalagu dhegin
Dhab-ka-hadal immaannoo
Ayan jeel u dhaahdicin
Arrin uga dhanyahayoo
Dhiiqaynta nabaddiyo
Dhabqinteed u howl tahay
Qaran inay dhisaan iyo
Ninka dheef ka sugayoow
Ku dhaliili maayee
Dhab u fiirso adiguna !.
Dhaqaalaha sunta ah iyo
Dhalyo aanan jirin iyo
Dhabannaano iyo xoog
Dheh haddeer waxaan rabo
Adigoo ka dheeroo
Dhimirkaagu taam yahay
Dhaayuhu wax ha arkeen
Dheguhuna wax ha maqleen
Dhaqankooga raacraac
Dhiraandhiri bal xaajada!!.
Dhibic seermaweydiyo
Dhedo roob ma noqotaa?!
Dhalanteed xareeddii
dhaansasho leedahay?!
Dagaal-ooge dhaartii
Dhab ma looga qaataa?!
Ku dhaashiga qabyaaladi
Dhaldhalaal ma keentaa?!
Habaar-qabe dhurooboo
Dhib u aayay noo sheeg?!.
Wixii dhacayba soo dhace!
La soo dhaaf dorraatiyo
Shalay dheeleheedii
Maantana dhambaalkaan
Waxan kaydka ugu dhigay
Aayatiinka dhimman iyo
Waa inan dhasheennii
Xog dhitaa u reebnoo
Aan dabinno loo dhigin.
Dhebidhisashadaan iyo
Dhoollatus qabiiloo
Dhiigmiirad xulan iyo
Dhuuniyadu horkacayaan
Oon dhiirrigelin iyo
Dheereeya mooyee
Marna dhima xawaariyo
Dhaafa ruuxna ku lahayn
Dheelaas ciyaarkiyo
Dhubuqdhubdan socotaa
Berri dhabanno hays iyo
Amay dhiillo keentaa?!!!!
Tacaddigan dhexdeenna ah
Dhoorrey kufisga iyo
Dhibbanaha la beecshiyo
Baddan lagu dhammaadiyo
Dhiillooyinkaan yimi
Dhaqaaq waa halkiisee
Waxba inaanan laga dhihin
Dhowrasho ma sharaf baa?!
Dhaqan-xumida qaarkeed
Geeridaa mar dhaantee
Halkii aan ku dhalanniyo
In dhulkiiba iib yahay
Annaguna dhibaatiyo
Dheelmashada xadadkiyo
Dhafar iyo wareer iyo
Hadba meel u dhoof iyo
Qurbe dhabarjabkiisiyo
Dhaxan aan ku noollahay
Dhaqaaq waa halkiisee
Waxba inaanan laga dhihin
Dhowrasho ma sharaf baa?!
Sidan dhoohannahayoo
Aan dhufaanannahayoo
Loo dhanyahay dayuusnimo
Dhalleecaynta diintiyo
Ha la dhigo xijaabkiyo
Khayr ha u dhawaanoo
Dhawaq yaan lagaa maqal
Dhaqaaq waa halkiisee
Waxba inaanan laga dhihin
Dhowrasho ma sharaf baa?!
Hadduu qoom dhadhaab yahay
Dhaqdhaqaaqna uu gabo
Quraankaaba dhigayoo
Ilaahay ma dhalanrogo
Mana dayo dhankoodee
Dhayal xaalkii gudubyoo
Riyo laga dhursugo iyo
Dhadhab looma baahnee
Intaan dhaxalwareeg iyo
Dhib la mudan adduunyada
Aakhirana dhinbilo naar
Dheddig iyo labkiinnuba
Dhallinyariyo waayeel
Dhimashadu mar weeyee
Shacabyahow la dhaansado
Diin baad u dhalatee
Xummaatada ka dhiidhiya!!
Xummaatada ka dhiidhiya!!
Xummaatada ka dhiidhiya!!
Waxaa noosoo diyaariyey
Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Hiiraancenter