Xaaladaha cakiran ee ka jiran magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Gobolka Hiiraan xageebay marayaan .Feb.03,2012
Sida aad la socotaan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa indhowaaleba ka jirtay rabshado taas oo ka dambeysay soo gelitaankii ciidamada Xabashida oo ay garbinayeen kuwa Somaliyeed oo ka soo jeeda Deegaanka iyadoo markii horeba aanay ka jirin wax ay dadka reer Hiiraan ku mideysan yihiin .
Deegaasi ayaa waxaa ka jiray ilaa 3 maamul Goboleedyo kuwaas oo aana isku dahaf ahayn soo gelida Xabashida ayaa waxay sii hurisay dhibtii meesha ka jirtay iyadoo ciidan beeleedkii la socday ay isu arkayeen in ay iyagu yihiin kuwii xaqa u lahaa in ay kataliyaan kadib tagiddii Raiisalwasaare Cabdi Weli kadib ayaa waxaa soo baxay in uu ku dhawaaqo in aanayba ka jirin wax maamul ah Gobolka iyadoo ay markaasi ciidan beeleedyada la socday Tikreega ay doonayeen in ay dhac ka geystaan magaalada iyagoo u arkayey in ay dhacayaan dadka tirsan Alshaab.
Hadaba waxaa ay muran badan ka jirtay hadalkii Cabdi Weli iyadoo ay si aad uga biiya diideen ciidan beeleedyadii la soo galay Tikreega kaas oo uu ka mid yahay kan Dooxada Jubba maanta ayaa waxaa si toos ah uga hadlay waxa ka jira deegaankaasi ,Siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa ka digay in rabshado u sabab ah Maamul u sameeynta gobolkaasi uu ka dhex qarxo bulshada gobolka.
Cali Xaashi Cabdi oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee kasoo jeeda gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in uu ka digayo in Maamul xiligaani loo sameeyo gobolkaasi oo uu sheegay in uu u baahan yahay Maamul ay u dhan yihiin bulshada halkaasi kuwada nool.
Siyaasiga ayaa waxa uu sheegay in Xildhibaanada ku sugan magaalada Baladweyne ee ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya aysan ahayn kuwa matala gobolka, waxaana uu sheegay in hadii ay yihiin Siyaasiyiinta gobolka ay ku talin lahaayeen in gobolka Maamulkiisa wada tashi badan laga sameeyo.
Cali Xaashi Cabdi ayaa waxa uu sheegay in ay sax tahay hadalka kasoo baxay wasiirka Iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ee dowladda ee ku aadanaa in ay adag tahay in xiligaani Maamul loo sameeyo magaalada Baladweyne, waxaana uu sheegay in Maamul u samaynta gobolka ay Mas’uuliyad ka saaran tahay Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Somaliya.
Hiiraancenter Abdisalaan Somalia
hiiraancenter2006@hotmail.com
