Hiiraancenter2006@hotmail.com  News from  Somalia

 

Cali Khaliif Galaydh, oo ku jira gacanta Itoobiya ayaa la sheegay in ay isa soo tarayaan wararka ka soo baxay   .Feb.03,2012


Sida uu maanta qoray Hadhwanaagnews ayaa waxaa uu sheegay in uu Ali Khaliif uu ku sugan yahay gacanta dowladda Itoobiya balse waxaa isweydiin mudan sida uu ku galay Ali Khaliif Gacanta Itoobiya iyadoo horey loo sheeciyey in ku dhaawacmay dagaalkii ay ciidamada Somaliland ku soo qaadeen meel uu kulahaa shir warkan ayaa waxaa uu u qoray Hadhwanaag ayaa waxaa uu ahaa sidan.

Siyaasiga ay ku suntan tahay fidnidii Khaatumo Seeg, Cali Khaliif Galaydh, ayay isa soo tarayaan wararkii shegaayay in Sirdoonka dawladda Federaalka Itoobiya ka qabteen Magaalada Jigjiga isla markaana u taxabeen Xabsi ku yaala magaaladda Addis Ababa. Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews oo caawa la xidhiidhay dad ku sugan Magaalada caasimadda u ah Itoobiya, ayaa noo xaqiijiyay in aanay ila hadda haynin meel uu ku suganyahay Mr. Cali Khaliif,  waxay inatas ku darayaan wararka aanu helaynaa in siyaasigani uu wali ku jiro gacanta dawladda Itoobiya.

Dhinaca kale xubnihii la socday Mr. Galaydh wakhtigii ay ku sugnayeen Magaaladda caasimadda u ah ismaamulka Kililka shanaad ee Jigjiga oo ka koobna Qurbajoog iyo xubno Madax dhaqameed ah ayaan ilaa hadda yana la ogayn halkay jaan iyo cidhib dhigeen. Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa si weyn uga booday hawlaha ammaan daro ee uu mandaqada ka waday Cali Kahliif Galaydh, yadoo sirdoonka Itoobiya ku qabteen falal ay kamid yihiin inuu ku hawlanaa sidii Xuduudaha Itoobiya Iyo Somaliland loogu astayn lahaa qaab qabiil, tasoo dhaawac weyn ku ah jiritaanka iyo midnimada  waddanka Itoobiya, sidoo kale wuxuu siyaasigan guur guura ku hawlanaa sidii u ugu qancin lahaa Madaxda maamulka Kililka shanaad gaar ahaan Madaxweynaha Kililka inuu gacan ka siiyo nabad galyo daradda uu ka waday degaanka Buhoodle.

Arrimahaas oo dhan ayaa loo sibir sarayaa qabashada ay qabteen Sirdoonka waddanka Itoobiya. Waddanka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa heshiis xagga ammaan ka ah la gashay Waddanka Itoobiya, ka soo ah in laga wada shaqeeyo ammaanka mandaqada. Cali Khaliif Galaydh ayaa lagu tilmaan sadaa siyaasi guur guru badan, sidoo kale Mr. Galaydh oo hore RaĀ´isal wasaare uga noqday dawladdii fashilantay ee Cabdi Qaasim Salaad Xasan, ayaa lagu tilmaama in aanu wax faa´iido u ah usoo kordhin degaanka uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ee Sool Iyo Buhoodle mudaddii uu xilalka hay, balse iska daayo uu caan ku ahaa inuu ka khashaafo dadkaas, halka maanta oo uu joogo cimri ay ahayd inuu Khaatumada Khayr ku raadiyo layimi arrin Khaatumo Seeg ku ah isaga iyo shacabkii masakiinta ah ee u dabka ku dhex tuuray, tasoo hadda inkaartii ka dhacday dadkaas uu danbarsanaayo.

 

Hiiraancenter Abdisalaan Somalia

hiiraancenter2006@hotmail.com

 

 

 

 


 





 


 


 


 


 

 

 

 

                                                                              Webmaster@hiiraancenter.com/Hiiraancenter2006@hotmail.com